Tuesday, Dec 25 2007 

xoosh8.jpgMarxuun Eng. C/qaadir Cali Jaamac (Xoosh).

Tacsi.. Tuesday, Dec 25 2007 

Waxan halkan uga tacsiyeynaynaa, dhamaan eheladii, qaraabadii iyo dhamaan umada reer Ssc geeridii naxdintalahayd ee ku timid..halyeyadii Alle ha unaxariistee

Korneel Jaamac Axmed Faarax (Jaamac Yare) iyo Engineer C/qaadir Cali Jaamac (Xoosh) shalay gaadhi kula qalibmay gaadhi aaga Garoowe. Waxaan Alle uga baryeynaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo….Aamiin…Aamiin

Midniimo….

Gabar Somali oo ku guuleysatay koobka Modelka Swedan Sunday, Dec 16 2007 

 


Stockholm, Swedan 15-Desember-2007


Xaawa Axmed ayaa ku guuleysatay in la gudoonsiiyo bilada abaalmarinta (Top-Model-Finalist-2007) ee lagu qabtay tiyaatarka caalamiga magaalada Stockhlom ee Dalka Sweden.

Gabadhaan ka yaabisay gabdhihii la tartamayey iyo shacabka reer Swedan ayaa da`deeda lagu sheegay 18-jir, waxayna degan tahay sida ay Shabakada Calanka.com xogta ku heleyso Magaalada Norrkoping ee dalkaasi Swedan.Tartankan ayaa waxaa isugu soo haray finalkii shaqsiyaadka kala ah Margarete,Trean iyo Xaawa Axmed, balse dood dheer iyo falanqeyn gudiga doorashadu sameeyeen kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay in ay Xaawa Axmed (Somali-Swedish) ku guuleysatay bilada abaal-marinta (Top-Model-Finalist-2007).Xaawa oo iyadu marnaba aan filaneyn guusha ay gaartay ayaa farxad darteed bood-booday, waxayna hal-mar oo qura isku dartay qeylo iyo sawaxan farxadeed.Gudiga doorashada ayaa sidoo kale sheegay in Xaawa noqotay gabadha ugu socodka qurxoon islamarkaana ugu udgoon.

Gabadhaan ayaa u muuqata mid raacaysa wadadii ay horey u mareen Iimaan Cabdi iyo Waris Diiriye oo iyagu maanta ka mid ah dumarada sameeya xayeeysiiinta (Models) noocwalba leh.

Xaawa ayaa la filayaa in usbuucan gudihiisa socdaal ku gaarto maagalooyinka New-York iyo Paris oo la rajeynayo inay heshiis (contract) kula saxiixato shirkadaha waaweyn ee Aduunka xayeeysiiya dharka qaaliga ah.

Salaam Dhamaan Friday, Dec 7 2007 

flag.gifWebka shaqo baa ku socota wad mahadsan tihiin booqashada aad na soo booqateen 

Salaam

« Previous Page