Oslo, Norway (Midnimo) 28-Febraayo-08

Saakay waaberigii ayaa waxaa kusoo hiireystay goobo ey ku ganacsadaan rag somali ah islamarkaana ah xawaalado ciidamo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada wadamada Norway iyo Swedan halkaasoo ey baaritaano ugu dhaqaaqeen iyadoo ragii lahaa goobahan ganacsi loogu tagay guryohooda oo ey soo xir-xireen.

Hawlgalkan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa uu ku wajahnaa sida ey qoreen warbaahinta labadan dal waxa ey ugu yeereen la dagaalanka argagixisada islamarkaana ey qolayaha saakay qab-qabteen ku eedeeyeen in ey ku taageeraan waxa ey ugu yeereen kooxaha argagixisada xaga dhaqaalaha iyagoo lacago faro badan uga dira Swedan iyo Norway.

Ka daawo halkan warbahinta Norway oo wax ka qortay



Ugu yaraan lix somalia ah ayaa iminka loo xiray falkan kuwaasoo lahaa ama ku ganacsanayay goobahan ey boliska labadan dal baaritaanada ugu dhaqaaqeen saakay waaberigii, mana cada ilaa iyo iminka danbiga dhabta ah ee lagu hayo marka laga reebo eedeymahan.

Mid ka mid ah raggan la xiray ayaa waxa ey boliska Swedan sheegeen in uu haystay sawirka nin swedhish ah oo aflagaado u geystay nabi Muxamed (scw) oo ey hanjabaadyo badan usoo jeediyeen kooxaha kala duwan ee ka xanaaqsan aflagaadada uu u geystay nabiga.

Boliska ayaa u sheegay warbaahinada dalkan Norway in ey dabagal dheer ku hayeen raggan ey maanta xirxireen iyagoo in mudo ah la socday dhaqdhaqaaqoda islamarkaana ey maanta go`aansadeen in ey howlgankan fuliyaan

Wariye ka tirsan Calanka oo socod ku maray saakay labada goobood ee ey baaritaanada ku wadeen boliska Norway ayaa waxa uu arkayay qalab isugu jira computero iyo dukumintiyo kale oo laga rarayo goobahan oo ahaa goobo ey somalidu aad uga iibsan jireen kararka taleefanada iyagoo lacagana ka diri jiray.

Warbaahinta dalalkan oo si weyn u hadal haya arintan maanta ayaa waxa ey soo bandhigeen taswiir ey iyagu qorteen oo fasireysa qaabka ey u sheqeyso sistemka xawaalada iyagoo ka dhigay mid loogu adeego oo kaliya kooxaha ey ugu yeereen argagixisada iyagoo meeshaba ka saaray boqolaalka kun ee somalida ee eheladooda ku quudiyo xawaaladaha.

Wixii kusoo kordha arintan kala soco wararka danbe 
Isha wararka xaqiiqda. midnimo