Oslo, Norge (midniimo) 07-Febraayo-08


Xaflad si heer-sare loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagayey maalintii la mamnuucay gudniinka Haweenka,ayaa lagu qabtay caasimada Oslo ee dalka Norwey.

Munaasabadan ayaa waxaa abaabulay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Norwey,waxaana ka soo qeyb-galay xaflada marti-sharaf lagu qiyaasay tiradooda 350-qofood,kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo Norwijiyaan.
Halkan ka dhageyso fanaan Faadumo Qasim -Dhageyso
Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle oo ka mid aheyd marti-sharaftii munaasabada lagu casumay,ayaa barnaamishka ku furtay hadalo guubaabo ah oo soo jiitay dareenka dadweynaha,waxayna ka codsatay haweenka Soomaaliyeed inay joojiyaan gudniinka ay ku sameynayaan gabdhahooda,fanaanada ayaa ka yaabisay marti-sharafta,kadib markii ay ku hadashay luqada noorwijiyaanka,waxayna dadku isku dareen qosol iyo dhoolacadeyn aan la soo koobi-karin,iyagoo la yaabay goorta ay baratay luqada noorwijiyaanka.


Xiriiriyaha barnaamishka Hibaaq Iimaam Qooreey ayaa fanaanada kadib maykarafoonka ku soo dhaweysay madax sar-sare oo ka tirsan dalka Norwey,waxayna dhamaantood taageereen in la mamnuuco gudniinka,iyagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay joojiyaan dhaawaca ay gaarsiinayaan hablahooda.


Marwo Ayaan Yaasiin Gudoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed,ahna la taliyaha Ururka Haweenka iyo Gudoomiyaha cusub ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Norwey Marwo Khadra Nuur (Leder-Somalisk kvinneforening)oo ka hadlay xaflada ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhamaan intii kala qeyb-qaadatay qabsoomida xaflada,kadibna waxay ka sheekeeyeen inay waqti-badan ku qaadatay sidii ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ku dhaqan ooga dhaa-dhicin lahaayeen in la mamnuuco gudniinka,waxayna arin lagu farxo ku tilmaameen inay jiraan waalidiin aad u tira-badan oo qaadatay waanadii iyo taladii loo soo jeediyay.


Waxaaa xusid mudan in Ururka Haweenka Soomaaliyeed ay marti sharaftii u diyaariyeen raashin macaan iyo cabitaan,waxayna sidoo kale u diyaariyeen Koox fanaaniin ah oo ka timid dalka Ingiriiska,oo ay hogaaminaysay Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle,waxayna kooxda halkaas ka soo jeediyeen heeso macaan iyo ruwaayad aad loogu qoslay,taasoo ka hadleysay dhibaatada gudniinka.


Sidoo kale Ururka Haweenka Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen waxyaalo muujinaya hidahii iyo dhaqankii Soomaaliyeed,taasoo ka yaabisay marti sharaftii Reer Norwey,waxaana la arkayey iyagoo sawiranaya waxyaalihii la soo bandhigay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen (durbaano,garaysyaal,kal iyo mooy, gambaro, jiimbaar,dhiilaha caanaha lagu keydsado,dirimo laga sameeyay caw,iyo alaabo fara badan oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi-karin.

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.