Dhammaan Xubnaha Beesha Cabdi Garaad (Qayaad) ee deggan magaalada jedda ee Saudi Arabia waxaan canbaaranyanaa falalka daw-darada ah ee ay ku kaceen Maxamed Maxamud Khaawi iyo wiilashiisu iyo taageerada indha’laanta ah ee ay u fidiyeen ina Riyaale Kaahin iyo kooxdiisa ay gacmahooda ka qoyanyihiin dhiigii dadka dega gobollada SSC.
Waxaana wax lala yaaba noqotay in iyadoo beesha Cabdi Garaad ay hormuud ka tahay xoraynta iyo soo celinta dhulka iyo sharafta dhulbahante uu Khaawi iyo qaar ka mid ahi wiilashiisa ay reerka u muujiyeen waxa aan hore loogu aqoon oo ah daba dhilifnimo iyo shiisheeye jacayl indho laa’aan ah, marxaladan adag ee la marayo.
Waxaanu mar kale cadaynyaa in falkaas ceebta ahi uu ku kooban yahay Khaawi iyo qaar ka mid ah wiilashiisa oo keliya beeshuna ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay xoraynta dhulka iyo midnimada Soomaaliya .
- Cali Ismaciil Guraase
- C/Laahi Maxamed Sh. Cumar (Case)
- Khalif Soofe Dhalac
- C/raxman Maxamed Sh. Cumar (Xariri)
- Adan Maxamed Kabaweyne
- Cabdi Aw Xirsi
- Maxamed Cilmi Xaashi
- Cabaas Xaaji Cabi
- Cali Khaliif Samatar
- Maxamed Buraale Xasan
- Maxamed Cabdilaahi
- Cali Cabdi Caman
- Axmed Jirde Aw-Cali
- Maxamed Cabdi Xanaf
- Axmed Awxirsi Galbeedi
Kala xiriir
xariri@hotmail.com