Midniimo press:-Sida lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Al-arabiya.net waxaa dalka Sucuudiga ka dhacday qiso layaab leh oo aad u soo jiidatay Warbaahinta.
Sheekadaas oo ahayd mid ka dhacday tuulo ku taal deegaanka Khamiis Mashaad ee dalkaasi, haweenay Sucuudiyad ah da’adeenu tahay 50 sano ayaa ka dalbatay isla markaana qasab kaga dhigtay ninkeedii inuu furo, waxaanay sidaa u samaysay kadib markii uu xijaabka ka rogay wajigeeda xilli ay huruday, arrintaas oo noqonaysa in uu ku doonayay sidii uu wajigeeda u arki lahaa, sidoo kale ayay gabadhaasi sheegtay inay noqotay markii ugu horaysay oo uu arko wajigeeda muddo 30 sano ah oo ay is qabeen
.
Ilaa mudadii 30 ka sano ahayd ee ay is-qabeen labadan qof marna ninku muu arag wajiga xaaskiisan caruurta u dhashay. iyada oo la ilaalinayo dhaqanka lagaga dhaqmo mid ka mid ah tuulooyinka ku yaal Koonfurta baadiyaha Khamiis Mashiid ee dalka boqortooyada Sucuudiga.
Haweeneydan ayaa cadhadii ay ka qaaday falka ninkeedu ku kala kacay, awgeed waxa ay ka tagtay aqalkii waxanay ku musanawday in ninkeeda maanta isaga oo da’ ah uu ku kaco denbigan weyn, waxa ay sheegtay in waajib ay ku tahay inuu qaado masuuliyada falka.
Sida Al-arabiya net ay ka soo xigatay wargeyska Al-Riyad ee ka soo baxa dalka Sucuudiga maalintii Axada 7-10-2007 waxa markii ay arrintani dhacday uu ninkii gabadhaasi qabay uu sheegay in aanu u jeedin in uu sidaa sameeyo laakiin ay arrintani si khalad ah uga dhacday, isla markaana uu diyaar u yahay in uu xaal marin ka bixiyo arintaasi.
Dabadeed ninkii ayaa waxaa uu ictiraafay inuu galay denbi isla markana uu cudur daar ka bixinayo qaladka uu ku kacay, isaga oo balan ku qaaday in aanu arintaa dib danbe isugu dayi doonin, isla markaana aanay dhici doonin in mar labaad uu arko wajiga Xaaskiisa.
Arintan ayaa ah dhaqan ay ku dhaqmaan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan deegaanka Magaalada Khamiis Mashaad, waxaana sida la sheegay ay tani tahay caado soo jireen ah, oo dadka dhulkaa ku dhaqan laga goyn kari waayay waxaana dadkaa u dhaqan ah in aanu ninku arki Karin wajiga gabadhiisa xitaa haddii ay gabowdo, dadkan ayay marar badan dawlada dalkaasi isku day in caadadaa laga jaro, maxaa yeelay caadadani ma waafaqsana diinta Islaamka in ninku aanu arag wajiga gabadhiisa