Jidhdil Lagu Sameeyey Kornayl Deyr

Jan 15, 2008 By:
Buhoodle:-Iyadoo Malintii Sabtida 13/01/2008 ay dagaalkii gaadmada ah ay soo qaadeen ciidammada isir tirirka ka wada degaannada SSC, oo ay ku soo qaadeen ciidamada deegaanka SSC. Dagaalkaas oo ay calooshood u shaqaystaaal deegaankaa ka soo jeeda ay gacanta ku dhigeen Kornayl Deyr iyo 27 askartiisa ka mid ah, iyagoo gacanta u geliyey ciidamada barakicinta iyo colaadda ka wada deegannada SSC. Waxaa warar isa soo taraya ay sheegayaan in uu Kornaylku ku xiran yahay jeelka Burco, isagoo laga soo dayrinayo xaaladdiisa caafimaad.

Ka dib markii ay qaraabadiisu xiriir la sameeyeen oo mudo  la’aa meesha uu ku sugan yahay ayey si qarsoodi ah uga war heleen xaaladda Kornayl Dayr, oo xiligan ku xiran Jeelka Burco.

Waxaa la caddeeyey in markii ay qabteen ciidamada duulanka ku ah deeganada SSC iyo kuwa u adeega ay Qori baadkii Kellida kala dhaceen, oo uu hadda wax ka qabo Kelli, welina uusan helin wax daryeel Caafimaad ah.

Sida muuqata maamul isku sheega ka taliya magaalada Burco, oo caan ku ah ku xad guddubka xuquuqda aadanaha iyo weliba dadka maxaabista u xidh xidhan. Waxaa kaloo iyana aan la ogayn xaaladdaha caafimaad iyo nabadgelyo ee Maxaabiistii kale ee lala qabtay Kornayl Dayr, iyadoo cabsi weyn laga qabo in lagu laayo Jeelka dhexdiisi ama gaajo iyo daryeel la’aan ay ugu dhintaan.

Arrintan oo hore u dhacday sannadkii 2004 markii laba Kornayl, oo kasoo jeeda deegaanka SSC lagu dhex dilay Jeelka Burco, ka dibna si bilaa naxariis ah oo  bani’aadanamida ka baxsan looga soo daayey Idaacadaha iyo TV-ga laga daawado magaalooyinka Burco iyo Hargaysa Maydadkii labadaa Sarkaal Alle ha u naxariistee, taasoo caddaynaysa nacaybka iyo qabyaaladda ku gaamurtay dadkan maamulka sheeganaya.

Xigasho:BuuhoodleMedia