Ninkii argagaxisada loo haystay Norway oo ay boliisku rabaan in u 4-asbuuc oo hor leh dib uxidhnaado

   Oslo, Norway (Midnimo.com) 26-Marso-08


Boliska Norway ayaa wada qorshe ey afar isbuuc oo horleh xabsiga ugu sii haynayaan muwaadinkii Somaliga ahaa ee dhawaan lagu eedeeyay falka argagixiso kaasoo bolisku sheegeen inuu lacago ku taageeray kooxda Al-Shabaab ee iminka Mareykanku ku daray liiska argagixisada kana dagaalama gudaha Somaliya.

Sideed iyo soddon jirkan somaliga ah ayaa lagu wadaa in maalinka jimcaha ah lasoo taago maxkamad taasoo go`aamineysa sida laga yeelayo walow qareenka bolisku sheegay in ey u baahan yihiin waqti dheeraad ah eyna maxkamadda ka codsan doonaan afar isbuuc oo hor leh.

Muwaadinkan ayaa bolisku ey ku haystaan in uu u diray Al-shabaab lacag lagu qiyaasay 200.000 oo norwiji ah, iyadoo lacagtaasi lagu diray qadka xawaaladda.

Dhamaadkii bishii Febraayo ayey aheyd markii afar isbuuc oo xarig ah lagu xukumay muwaadinkan, afartaasoo laba isbuuc oo ka mid ah ahaayeen kuwo la adkeynayo xarigiisa islamarkaana laga ilaalinayao wax xiriir ah oo noocwalba leh.

Ninkan ayaa waxaa lala xiray laba kale oo Somali ah kuwaasoo lasii daayay maalmo kadib markii wax cadeymo oo waaweyn ah lagu waayay walow iyagana lagu wargeliyay in ey wali ku eedeysan yihiin danbiga oo ey iska soo diiwaan galiyaan booliska labadii isbuucba

waraysi fanaanada Siciido Cali


H. ka dhageyso
Salaamaadka Ciida iyo fanaanada Saida Ali

Somali lagu eedeeyay fal argagixiso oo lagu xir-xirey Norway & Swedan

Oslo, Norway (Midnimo) 28-Febraayo-08

Saakay waaberigii ayaa waxaa kusoo hiireystay goobo ey ku ganacsadaan rag somali ah islamarkaana ah xawaalado ciidamo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada wadamada Norway iyo Swedan halkaasoo ey baaritaano ugu dhaqaaqeen iyadoo ragii lahaa goobahan ganacsi loogu tagay guryohooda oo ey soo xir-xireen.

Hawlgalkan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa uu ku wajahnaa sida ey qoreen warbaahinta labadan dal waxa ey ugu yeereen la dagaalanka argagixisada islamarkaana ey qolayaha saakay qab-qabteen ku eedeeyeen in ey ku taageeraan waxa ey ugu yeereen kooxaha argagixisada xaga dhaqaalaha iyagoo lacago faro badan uga dira Swedan iyo Norway.

Ka daawo halkan warbahinta Norway oo wax ka qortay



Ugu yaraan lix somalia ah ayaa iminka loo xiray falkan kuwaasoo lahaa ama ku ganacsanayay goobahan ey boliska labadan dal baaritaanada ugu dhaqaaqeen saakay waaberigii, mana cada ilaa iyo iminka danbiga dhabta ah ee lagu hayo marka laga reebo eedeymahan.

Mid ka mid ah raggan la xiray ayaa waxa ey boliska Swedan sheegeen in uu haystay sawirka nin swedhish ah oo aflagaado u geystay nabi Muxamed (scw) oo ey hanjabaadyo badan usoo jeediyeen kooxaha kala duwan ee ka xanaaqsan aflagaadada uu u geystay nabiga.

Boliska ayaa u sheegay warbaahinada dalkan Norway in ey dabagal dheer ku hayeen raggan ey maanta xirxireen iyagoo in mudo ah la socday dhaqdhaqaaqoda islamarkaana ey maanta go`aansadeen in ey howlgankan fuliyaan

Wariye ka tirsan Calanka oo socod ku maray saakay labada goobood ee ey baaritaanada ku wadeen boliska Norway ayaa waxa uu arkayay qalab isugu jira computero iyo dukumintiyo kale oo laga rarayo goobahan oo ahaa goobo ey somalidu aad uga iibsan jireen kararka taleefanada iyagoo lacagana ka diri jiray.

Warbaahinta dalalkan oo si weyn u hadal haya arintan maanta ayaa waxa ey soo bandhigeen taswiir ey iyagu qorteen oo fasireysa qaabka ey u sheqeyso sistemka xawaalada iyagoo ka dhigay mid loogu adeego oo kaliya kooxaha ey ugu yeereen argagixisada iyagoo meeshaba ka saaray boqolaalka kun ee somalida ee eheladooda ku quudiyo xawaaladaha.

Wixii kusoo kordha arintan kala soco wararka danbe 
Isha wararka xaqiiqda. midnimo

XAFLADII KA HORTAGA GUDNIINKA HAWEENKA LAGU QABTAY OSLO, NORWAY.

 


Oslo, Norge (midniimo) 07-Febraayo-08


Xaflad si heer-sare loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagayey maalintii la mamnuucay gudniinka Haweenka,ayaa lagu qabtay caasimada Oslo ee dalka Norwey.

Munaasabadan ayaa waxaa abaabulay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Norwey,waxaana ka soo qeyb-galay xaflada marti-sharaf lagu qiyaasay tiradooda 350-qofood,kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo Norwijiyaan.
Halkan ka dhageyso fanaan Faadumo Qasim -Dhageyso
Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle oo ka mid aheyd marti-sharaftii munaasabada lagu casumay,ayaa barnaamishka ku furtay hadalo guubaabo ah oo soo jiitay dareenka dadweynaha,waxayna ka codsatay haweenka Soomaaliyeed inay joojiyaan gudniinka ay ku sameynayaan gabdhahooda,fanaanada ayaa ka yaabisay marti-sharafta,kadib markii ay ku hadashay luqada noorwijiyaanka,waxayna dadku isku dareen qosol iyo dhoolacadeyn aan la soo koobi-karin,iyagoo la yaabay goorta ay baratay luqada noorwijiyaanka.


Xiriiriyaha barnaamishka Hibaaq Iimaam Qooreey ayaa fanaanada kadib maykarafoonka ku soo dhaweysay madax sar-sare oo ka tirsan dalka Norwey,waxayna dhamaantood taageereen in la mamnuuco gudniinka,iyagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay joojiyaan dhaawaca ay gaarsiinayaan hablahooda.


Marwo Ayaan Yaasiin Gudoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed,ahna la taliyaha Ururka Haweenka iyo Gudoomiyaha cusub ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Norwey Marwo Khadra Nuur (Leder-Somalisk kvinneforening)oo ka hadlay xaflada ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhamaan intii kala qeyb-qaadatay qabsoomida xaflada,kadibna waxay ka sheekeeyeen inay waqti-badan ku qaadatay sidii ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ku dhaqan ooga dhaa-dhicin lahaayeen in la mamnuuco gudniinka,waxayna arin lagu farxo ku tilmaameen inay jiraan waalidiin aad u tira-badan oo qaadatay waanadii iyo taladii loo soo jeediyay.


Waxaaa xusid mudan in Ururka Haweenka Soomaaliyeed ay marti sharaftii u diyaariyeen raashin macaan iyo cabitaan,waxayna sidoo kale u diyaariyeen Koox fanaaniin ah oo ka timid dalka Ingiriiska,oo ay hogaaminaysay Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle,waxayna kooxda halkaas ka soo jeediyeen heeso macaan iyo ruwaayad aad loogu qoslay,taasoo ka hadleysay dhibaatada gudniinka.


Sidoo kale Ururka Haweenka Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen waxyaalo muujinaya hidahii iyo dhaqankii Soomaaliyeed,taasoo ka yaabisay marti sharaftii Reer Norwey,waxaana la arkayey iyagoo sawiranaya waxyaalihii la soo bandhigay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen (durbaano,garaysyaal,kal iyo mooy, gambaro, jiimbaar,dhiilaha caanaha lagu keydsado,dirimo laga sameeyay caw,iyo alaabo fara badan oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi-karin.

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

    Mudane Maxamed Cabdi Xaashi & Mudane Cali Mahdi oo La Kulmay U.S. Senator Amy Klobuchar ee Gobolka Minnesota

    Feb 05, 2008 By: Midniimo

    Minnesota: Mudane Ali Mahdi ayaa maal mahan danbe waxuu la kulmayay jaaliyadaha kala duwan ee dalka Maraykanka iyo waliba siyaasiyiin kala duwan eek u sugan Gobolka Minnesota. Mudane Ali Mahdi waxuu kulan aad looga soo shaqeeyay kula kulmay gabadha xisbiga Dimoqraadiga ugu cad cad ee Gobolka Minnesota. Ali Mahdi iyo Senator: Amy ayaa waxaa dhexmaray kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska Senator Amy Klobuchar ee magaalada Minneapolis.

    Ali Mahdi ayaa waxuu dulmaray xaalada wadanka uu ku sugan yahay. Waxuuna Ali Mahdi uga tacsiyeeyay ciidamadii Maraykanka ee lagu dilay Somalia xilgii uu isagu M/weynaha ka ahaa dalka Somaliya waxuuna tacsi u diray dhamaan qoysaskii ey ka geeriyoodeen ciidamadaas iyagoo xiligaas dalka Maraykanku u yimid inay saacidaan dalka somaliya barnaamijkaasna loogu magacdaray ‘Restore Hope” taasna waxay ku soo aaday iyadoo ay tahay masuulkii ugu horeeyay taariikhda ee ugu tacsiyadeeya ciidamadaas lagu dilay lagana sameyay Filmka la yirahdo “Black Hawk Down” waxuuna xusay Ali Mahdi inaysan dhamaan shacabka soomaaliyed xiligaas iyo hadaba aysan la qabin in Maraykanku cadow ku yahay Somaalida labada shacab ee labada dalna ay dad asxaaba yihiin. 

    Gobolka Minnesota ay ku nool yihiin tirade ugu badan Soomaalida joogta Maraykanka. Senator Amy ayaa waxay aad uga mahad celisay shirkii dib u heshiisiinta ee Ali mahdi ka aha gudoomiyaha kasoo ku dhamaaday guul la taaban karo. Wada kulanka labada masuul ayaa ku dhamaday is afgarad. Kulankaas balaaran ayaa waxa goobjoog ka ahaa M/weynihii hore ee Puntland Mudane. Mohamed Abdi Hashi oo soo jeediyay inaysan Somali kala go’i Karin hal wadana ay tahay.

    Kulankii ka dib ay dhamaan mas’uuliyiinta u dhaqaaqeen Kuliyada Sharciyada ee William Mitchell iyagaoo kula kulma sharciyaqaan wax ka dhiga isla kuliyada sharci yaqaankaas oo ah xiligan ninka hogaaminaya shirci yaqaanada barista ka wada xasuuqii ka dhacay Rwanda “International Tribunal for Rwanda Case” Prof. C. Peter Erlinder oo daganaashihiisu tahay dalka Tanzania. Waxay dhamaan masuuliyinta ka wada hadleen xaladaha ka jira dalka Soomaliya iyadoo kulankaasi ahaa mid iska caadi ah hadana waxuu ku dhamaaday is afgarad.

    Beesha Cabdi Garaad (Qayaad) Ee deggan Magaalada Jedda Ee Saudi Arabia Oo Qoraal Ka Soo Saartay Ina Khaawi Iyo Wiilashiisa

    Dhammaan Xubnaha Beesha Cabdi Garaad (Qayaad) ee deggan magaalada jedda ee Saudi Arabia waxaan canbaaranyanaa falalka daw-darada ah ee ay ku kaceen Maxamed Maxamud Khaawi iyo wiilashiisu iyo taageerada indha’laanta ah ee ay u fidiyeen ina Riyaale Kaahin iyo kooxdiisa ay gacmahooda ka qoyanyihiin dhiigii dadka dega gobollada SSC.

    Waxaana wax lala yaaba noqotay in iyadoo beesha Cabdi Garaad ay hormuud ka tahay xoraynta iyo soo celinta dhulka iyo sharafta dhulbahante uu Khaawi iyo qaar ka mid ahi wiilashiisa ay reerka u muujiyeen waxa aan hore loogu aqoon oo ah daba dhilifnimo iyo shiisheeye jacayl indho laa’aan ah, marxaladan adag ee la marayo.

    Waxaanu mar kale cadaynyaa in falkaas ceebta ahi uu ku kooban yahay Khaawi iyo qaar ka mid ah wiilashiisa oo keliya beeshuna ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay xoraynta dhulka iyo midnimada Soomaaliya .

    1. Cali Ismaciil Guraase
    2. C/Laahi Maxamed Sh. Cumar (Case)
    3. Khalif Soofe Dhalac
    4. C/raxman Maxamed Sh. Cumar (Xariri)
    5. Adan Maxamed Kabaweyne
    6. Cabdi Aw Xirsi
    7. Maxamed Cilmi Xaashi
    8. Cabaas Xaaji Cabi
    9. Cali Khaliif Samatar
    10. Maxamed Buraale Xasan
    11. Maxamed Cabdilaahi
    12. Cali Cabdi Caman
    13. Axmed Jirde Aw-Cali
    14. Maxamed Cabdi Xanaf
    15. Axmed Awxirsi Galbeedi

    Kala xiriir

    xariri@hotmail.com

     

    Ninkeedi Ayey Qasab Kaga Dhigtay Inuu Furo Ka dib Markii uu Wajigeeda Arkay

    Midniimo press:-Sida lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Al-arabiya.net waxaa dalka Sucuudiga ka dhacday qiso layaab leh oo aad u soo jiidatay Warbaahinta.

    Sheekadaas oo ahayd mid ka dhacday tuulo ku taal deegaanka Khamiis Mashaad ee dalkaasi, haweenay Sucuudiyad ah da’adeenu tahay 50 sano ayaa ka dalbatay isla markaana qasab kaga dhigtay ninkeedii inuu furo, waxaanay sidaa u samaysay kadib markii uu xijaabka ka rogay wajigeeda xilli ay huruday, arrintaas oo noqonaysa in uu ku doonayay sidii uu wajigeeda u arki lahaa, sidoo kale ayay gabadhaasi sheegtay inay noqotay markii ugu horaysay oo uu arko wajigeeda muddo 30 sano ah oo ay is qabeen
    .
    Ilaa mudadii 30 ka sano ahayd ee ay is-qabeen labadan qof marna ninku muu arag wajiga xaaskiisan caruurta u dhashay. iyada oo la ilaalinayo dhaqanka lagaga dhaqmo mid ka mid ah tuulooyinka ku yaal Koonfurta baadiyaha Khamiis Mashiid ee dalka boqortooyada Sucuudiga.

    Haweeneydan ayaa cadhadii ay ka qaaday falka ninkeedu ku kala kacay, awgeed waxa ay ka tagtay aqalkii waxanay ku musanawday in ninkeeda maanta isaga oo da’ ah uu ku kaco denbigan weyn, waxa ay sheegtay in waajib ay ku tahay inuu qaado masuuliyada falka.

    Sida Al-arabiya net ay ka soo xigatay wargeyska Al-Riyad ee ka soo baxa dalka Sucuudiga maalintii Axada 7-10-2007 waxa markii ay arrintani dhacday uu ninkii gabadhaasi qabay uu sheegay in aanu u jeedin in uu sidaa sameeyo laakiin ay arrintani si khalad ah uga dhacday, isla markaana uu diyaar u yahay in uu xaal marin ka bixiyo arintaasi.

    Dabadeed ninkii ayaa waxaa uu ictiraafay inuu galay denbi isla markana uu cudur daar ka bixinayo qaladka uu ku kacay, isaga oo balan ku qaaday in aanu arintaa dib danbe isugu dayi doonin, isla markaana aanay dhici doonin in mar labaad uu arko wajiga Xaaskiisa.

    Arintan ayaa ah dhaqan ay ku dhaqmaan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan deegaanka Magaalada Khamiis Mashaad, waxaana sida la sheegay ay tani tahay caado soo jireen ah, oo dadka dhulkaa ku dhaqan laga goyn kari waayay waxaana dadkaa u dhaqan ah in aanu ninku arki Karin wajiga gabadhiisa xitaa haddii ay gabowdo, dadkan ayay marar badan dawlada dalkaasi isku day in caadadaa laga jaro, maxaa yeelay caadadani ma waafaqsana diinta Islaamka in ninku aanu arag wajiga gabadhiisa

    Jidhdil Lagu Sameeyey Kornayl Deyr

    Jan 15, 2008 By:
    Buhoodle:-Iyadoo Malintii Sabtida 13/01/2008 ay dagaalkii gaadmada ah ay soo qaadeen ciidammada isir tirirka ka wada degaannada SSC, oo ay ku soo qaadeen ciidamada deegaanka SSC. Dagaalkaas oo ay calooshood u shaqaystaaal deegaankaa ka soo jeeda ay gacanta ku dhigeen Kornayl Deyr iyo 27 askartiisa ka mid ah, iyagoo gacanta u geliyey ciidamada barakicinta iyo colaadda ka wada deegannada SSC. Waxaa warar isa soo taraya ay sheegayaan in uu Kornaylku ku xiran yahay jeelka Burco, isagoo laga soo dayrinayo xaaladdiisa caafimaad.

    Ka dib markii ay qaraabadiisu xiriir la sameeyeen oo mudo  la’aa meesha uu ku sugan yahay ayey si qarsoodi ah uga war heleen xaaladda Kornayl Dayr, oo xiligan ku xiran Jeelka Burco.

    Waxaa la caddeeyey in markii ay qabteen ciidamada duulanka ku ah deeganada SSC iyo kuwa u adeega ay Qori baadkii Kellida kala dhaceen, oo uu hadda wax ka qabo Kelli, welina uusan helin wax daryeel Caafimaad ah.

    Sida muuqata maamul isku sheega ka taliya magaalada Burco, oo caan ku ah ku xad guddubka xuquuqda aadanaha iyo weliba dadka maxaabista u xidh xidhan. Waxaa kaloo iyana aan la ogayn xaaladdaha caafimaad iyo nabadgelyo ee Maxaabiistii kale ee lala qabtay Kornayl Dayr, iyadoo cabsi weyn laga qabo in lagu laayo Jeelka dhexdiisi ama gaajo iyo daryeel la’aan ay ugu dhintaan.

    Arrintan oo hore u dhacday sannadkii 2004 markii laba Kornayl, oo kasoo jeeda deegaanka SSC lagu dhex dilay Jeelka Burco, ka dibna si bilaa naxariis ah oo  bani’aadanamida ka baxsan looga soo daayey Idaacadaha iyo TV-ga laga daawado magaalooyinka Burco iyo Hargaysa Maydadkii labadaa Sarkaal Alle ha u naxariistee, taasoo caddaynaysa nacaybka iyo qabyaaladda ku gaamurtay dadkan maamulka sheeganaya.

    Xigasho:BuuhoodleMedia

    jaa3.jpgMarxuun Eng. Jaamac Yare

    xoosh8.jpgMarxuun Eng. C/qaadir Cali Jaamac (Xoosh).